AFAR MUSHARRAX OO QAADDACAY DOORASHADA MADAXTINIMADA GALMUDUG.

Afar musharrax oo muhiim ah, ayaa qaaddacay doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, kadib markii ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay af-duubtay Hannaankii doorashada sida hdalka ay u dhigeen.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Weheliye, Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi Dheere oo dhammaantood u sharraxan xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa si wadajir ah u shaaciyay go’aankaasi.

Sidoo kale, musharrixiinta ayaa guddoonka Baarlamanka Galmudug ku eedeeyay, in uu kala qeybiyay  guddiga doorashada madaxtinimada maamulkaas, islamarkaana uu hal dhinac la saftay sida ay ku andacoodeen musharaxiintaas, sidaasi darted bay yiraahdeen aan lagu kalsoonaan Karin doorasho hal dhinac ah,

Musharrixiinta ayaa guddoonka Baarlamanka Galmudug ugu baaqay in uu dib u mideeyo xubnaha guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug, si loogu kalsoonaado shaqada guddigaasi.