Dibadbax looga soo horjeeday Somaaliland oo ka dhacay Magaalada Badhan.

Muqdisho ( Sareeye 87.5 ) Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag  waxaa ka dhacay Dibadbax looga soo horjeeday Maamulka Somaliland islamarkaana lagu Taageerayay Saraakiil ka tirsanaa Somaliland, oo kasoo jeeda gobolka Sanaag Kuwaasi oo iska Casilay Xilkii ay Hayeen.

Arintan ayaa ka dambaysay markii Saraakiisha la sheegay in lagu Amray inay galaan magaalada Badhan oo kamid ah goobaha sida wayn looga soo horhjeedo Maamulka Somaaliland.

Dibadbaxan waxaa dhigayay Haweynka ku Nool Magaalada Badhan waxayna sheegeen inaysan ogolaan doonin in deegaanadooda ay maamusho Somaaliland iyagoo hoosta ka xariiqay inay hoostagaan Dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland