Goodax Barre “Saacad kasta waan xiri Karnaa Social Media-yaha”
Muqdisho( sareeye 87.5 ) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaradda ay xiri karto Baraha Bulshada hadii ay u baahato.
Wasiir Goodax oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada codsi u qortay Maxkamadda Sare ee dalka,kaasi oo ay uga codsaneyso in la xakameyo Baraha Bulshada Waqtiga Imtixaanka, hadii ay baahi timaado.
Isaga oo sii hadlaayay Cabdullaahi Goodax Barre ayuu tilmaamay in Codsigaas Maxkamadda ay ka aqbashay,isla markaana Wasaaraddu ay heysato Awood ah in la xiro baraha bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Maanta aan la xirin baraha Bulshada,sababta ayuu ku sheegay inay tahay in aysan jirin baahi loo qabo in la xiro.
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa Maanta waxaa si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Shahaadiga oo ay qaadeyso dowladda Soomaaliya,isla markaana waxaa u fariisatay in ka badan 31 kun oo ah Arday Soomaaliyeed..
Cismaan Maxamed Cilmi oo ah Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu ka hadlay Imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee Maanta ka bilaabanaya Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cismaan in tiradda guud ee Ardayda ku sugan deegaanada Gobolka Hiiraan ee Imtixaanka u fariisaneysa ay gaarayaan ilaa iyo 1467 ku oo Arday oo 1363 kamid ah Ardaydaas ay wax ku barteen Dugsiyada Sare eek u yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.