Dowladda Kenya oo diiday in Ciidankeda ay la baxdo.
Muqdisho ( Sareeye FM ) Iyada uu socdo Qorshe Gabi’ahaan Dalka looga saarayo Ciidanka Kenya Maadama Faragalin Xoogan Ay dowladda Kenya ay ku heyso Somaaliya.
Waxaa Dhawaan laga saaray Garoonka Magaalada Kismaayo Ciidamada Kenya ay gacanta ku hayay Garoonkaas iyadoona lagu wareejiyay Ciidamo ka socda Dalka Itoobiya.
Ciidanka Kenya ee Gacanta ku hayay Garoonka Magaalada kismaayo ayaa lagu eedeeyay inaysan dhex dhexaad ka eheen Arimaha Doorashooyinka Jubaland.
Dowladda Kenya ayaa Caqabad weyn u aragta In ciidankeeda laga saaro Deegaanada Jubaland Maadama olole Balaaran ugu jirto sidii uu markale u soo laaban lahaa Madaxweynaha Hadda Maamula Jubaland ee Axmed Madoobe.
Waxay Sidoo kale madaxda Kenya ay Bilaabeen olole ay ciidankooda ku sii joogaan Somaaliya iyagoo Mar marsiyo uga dhiganeyso La dagaalanka Xarakada Alshabaab.
Taliye Sare oo ka tirsan Ciiddanka Kenya ayaa sheegay inuusan Khilaafka Diplomaasi ee ka dhex oogan Somalia iyo Kenya uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin Hawlgalka ciidanka Kenya ka wadaan Somaaliya..
Gaashaanle-Sare Meshak Kishoyiyan oo ah Taliyaha Guutadda 2-aad ee Ciiddanka dhulka Kenya ka jooga magaalladda Kismaayo ayaa sheegay inuu weli wanaagsan yahay Xiriirka u dhexeeya labada dal, isla markaana ay Ciiddankiisa wada-shaqeyn wanaagsan la leeyihiin Ciiddanka Soomaalida iyo kuwa Hawlgalka AMSIOM.
Sarkaalkaasi ayaa sheegay inuusan wax war ah ka haynin qorshaha saxda ee Bixitaanka Ciiddanka Kenya, isagoo Tilmaamay inay Sii wadi doonaan Howlgalada Ay ka fulinyaan Somaaliya.
Dowladda Kenya ayaa Bilooyinkii dambe Xoojisay Carqaladeynta ay ku hesyo Somaaliya waxayna arinkaas uga Gol leedahay in dowladda Somaaliya ay ka laabato Dacwadda Badda oo hortaala Maxkamdda icj,