Caa’isha Silvia Romano: Baaritaanka “hanjabaado loo geystay” oo la soo gebagebeeyay

“Ma jirin hanjabaad halis ah oo ka dhan ahayd (Caaisha) Silvia Romano,” ayuu yiri garsoore maxkamadeed oo dhageystay kiiska.

Balse wuxuu xaqiijiyay in ay jirtay aflagaado iyo caay. Waxaa jiray hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka, oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Caa’isha Silvia Romano, oo baraha bulshada loo mariyay aflagaadada ayaa go’aansatay in aysan maxkamad u dacwoonin. Waana suuragal in taas ay sabab u tahay in kiiska maxkamadda la laalo.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Taliyaaniga, Silvia Romano ma dooneyso in ay gudbiso dacwad ku saabsan aflagaada iyo hanjabaadda iyo hadallada naceybka ah ee loogu soo gudiyay baraha bulshada.