Tiyaartarka qaranka oo noqday meel inta bdan Xafladaha Jamcadaha lagu qabto tan iyo markii dib dhidibada loogu taagay Bartamihii Sandkaan

Iyadoo Caasimada ay ku tilaabsatay hormaro kala duwaan, ayaa waxaa soo ifbxaya, in Jamaacadaha iyo bahda wax barashada ay munaasabado kala duwan ay ku qabsadaan Tiyaatrka qaranka oo mudo 30sano ah, burbur u gaysteen Dagaalkii so keeya ee dhacay Caasiamda.

Xarunta Murtida iyo Mada Daalada ee tiyaatarka qaran ayaa waxaa lagu xasuustaa in lagu soo bandhigi jiray Heesa wacyi galinta, Riwaayadaha kala duwan, Gabayada, xafladaha, iyo wax walba oo dhanka madadaalada la xirira.

Xaruntaan ayaa waxaa ladaah furay 1967dii, waxaana lagu xasuutaa waxyaabo badan oo dalka lagu hormarinayo, taasi oo qayb ka ah dhaqanka Soomaalida, islamrkaana dowladadnimada lagu hormanayey.

Kadib markuu dalka uu burburay waxaa mesha ka baxay xarumo badan oo kamid yhaay Tiyaatarka Qaranka, waxaana meesha ka baxay wacyo galinta iyo baraarujinta wadaninimada, maadama tiyaartaka uu qayb ka yahay astaanta Dowladadnimada ee dalka.

Ka hor dagaalkii sokeeye bilowgii 1990-yadii, Soomaaliya waxa ay xudun u ahayd dhaqanka – kaas oo ka imaanayey hidaha, dhaqanka iyo suugaant dalku uu hodanka ku yahay , kuwaas oo lagu muujin jiray heeso, muusik, Qoob kaciyaarka, iyo ciyaaro kale oo ay Soomaalidu suugaan ahaan ugu adeegsato goobaha lagu kulmo.

Horaantii Bishii juun ee sanadkaan waxaa daaha ka rogay tiyaatarka qaranka Dowladad Faderaalka Soomaaliya, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay heeso wadani ah riwaayado, gabayo iyo qadbado kala duwan, waxii intaasi ka dambeyey waxaa isticmalayey oo xaflado kala duwan ku dhiganayey jamacda kala Duwan ee ka dhisan Caasimada.

Jamacadaha ku dhigtay xalfadaha ayaa waxaa kamid ah Jamacada Umadda, jamacada Soomaaliya, Jaamacada Banaadir iyo Jamacada Capitaal University, iyadoo markii hore xalfadaha lagu qaban jiray Hoteelada Caasimada, oo qarashban kaga bixi jiray, basle hada waxay helen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada goob ay kaga baaqsan karaan hotelada.

Ardayda ka qalin jabisay jacadaha, islamrkaana xafladooda oga qayb galay Tiyaatarka qaran ayaa aad ugu riyaaqay in Mudo sodon sano ah kadib ay dib u helaan maslax madadaalada qaranka.