Xubnha Mucaaradka oo si toos ah oga Horyimid Dowlada Soomaaliya, islamarkana ugu baqqay shacabka in hal meel looga soo horjeesto Dowladnimada Soomaaliya

Xubnaha Mucaaradka Dowlada Soomaaliya oo la fahansan yahay in ay ka shaqeeyaan danaha Dowladadha Shisheeye ayaa waxay si toos ah Caasimada kaga bilaabeen abaabul, islamarkaana lagu beer laxawsanayo dhalin yarada iyo Haweenka, iyadoo ay ka dhex arkeen dontooda iyo danaha Dowladaha shisheeye.

Qaar ka tirsan Xubnaha Mucaaradka ayaa is buucyadii dambe ka maqnaa dalka, islamarkana safaro aan la shaacin ku tagay dowladaha Caalamka, iyagoo raadinaya kaalmo iyo garab istaag, sidii ay ku heli lahaayeen kur siga ugu sareeya Madaxtinimada.

Safaradaasi kadib markii ay dalka dib ugu soo laabteen waxay bilaabeen kulumo ka dhan ah Dowlada Soomaaliya, iyagoo xirtay qaar ka tirsan wadooyinka muhiimka u ah Caasimada, islamarkaana shir ku yeeshay Hotel Afriiik, kaasi oo ay ka soo saareen war murtiyeed, lagu carqaladeenayo Dowladada Soomaaliya, iyo inta Dowladnimada jecel.

Koodaan oo isku mabda ahayn balse qofkasta doonayo in uu helo jagada ugu sareeysa ee dalka, ayaa ku heshiiyey in shacabka Soomaaliyeed ee nabada jecel ay maran habaabiyaan, islamarkaana isku kaashaday in meesha ay ka saraan Dowladnimada.

War saxafadeed ay soo sareen ayey waxay toos ah oga hor imaadeen Dowlada iyo Qaar ka tirsan Maamul Gobaleedyada, waxayna ku han jabeen in Dalka ay galin doonaan dhiig iyo Dagaal Soo keeye, taasi oo dan ugu jirto Dowladaha Shisheeye, ee dulaanka ku ah dhulkeena iyo dowladnimada umada Soomaaliyeed.

Sikastaba ahaatee Xubnaha Mucaaradka ayaa ku tilmaamay Madaxwaynaha haatan lada haya qaswade waa sida halka ay u dhigeene, balse waxaa xusid Mudan in Madaxwayaha uu ku joogo si sharci ah, islamarkaana taasi badalkeeda Mucaradka ay yihiin tartamayaal, garoonka loo sii xaarayo