Shirka Urur Gobeleedka IGAD oo Maanta lagu wado in laga soo saaro War-murtiyeed
Iyadoo la filaayo in maanta laga soo saaro War murtiyeed shiirka Urur Gobaleedka IGAD, kaasi oo looga hadlay dhinacyo badan, oo ay kamid yihiin Xaanuunka Covid 19 iyo xaalada Soomaaliya iyo Kenya.
Ilo ku dhow shirka Jabuuti ayaa noo xaqiiyey in war mutiyeedka lagu darini Doono qodobo khuseeya Soomaaliya iyo Kenya.
Shirkaan Uruur Gobaleedka IGAD oo ah Kii 38aad ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa xiisada ka dhex oloosan Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo maraysa meeshii ugu xumayd Abid, iyadoo Soomaaliya gabi ahaanba ay xirrkii Diblomaasiyadeed ay u jartay Kenya.
Dowlada Soomaliya ayaa ku eedaysay in Kenya ay faragalin qaawan ku hayso arimaha Gudaha Soomaaliya, waxanaa waan lagu xalinayo khilaafka Soomaaliya iyo Kenya wada Madaxwaynha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele, Gudoomiyaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamet, iyo Madax kale oo shirkaasi qayb ka ah oo ugu horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Suudaan Cabdala Xamduuk.
Sidoo Kale waxaa socda dadaalo loogu kala dab qaadayo Madaxwayne Farmaajo iyo Dhiiga Uhura Kenyatta, iyadoo ay cadaadis ku saarayan Dowladaha Reer Galbeedka Madaxwayanaha Kenya in si toos ah uu wada hadal olayeesho Madaxwaynaha Soomaaliya.
Si kastaba ha’ahaatee shirkaani ayaa ku soo aadaya aydoo wali Dowladada Kenya ay far galin ku hayso Soomaaliya, islamrkana xaduhbeenka Kenya uu ka saocdo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo si wada jir ah u samaynayaan ciidamo taabacsan Axmed Moodobe iyo Kenya