Faraax Macalin oo taageeray Go’aankii Dowlada Soomaaliya xiriirkii Diblomaasiyadeed ugu jartay dhigeeda Kenya

Siyaasiga Farax Macalin oo kaa faalooda Arimaha Soomaaliya iyo Kenya, islamarkana Xil ka soo qabtay Kenya ayaa tageeray Go’aanka Dowlada Soomaaliya ay Xiirirkii Diblomaasiyadeed ugu Jatay Dhiigeeda Dowlada Kenya.

Faarax Macalin ayaa sheegay in Kenya ay faragalisay Ariamaha Gudaha Soomaaliya, taasi oo xiisad ka dhalan karto.

“Kenya waxay faragalin ku samaysay Jubalaan, waxay heeshiisyo la galaysaa Maamulada Soomaaliya, iyadoo Dowalda Fadraalka ay xaadir tahay, bal waxaad qiyaastaa Baras ubka Gaarisa iyo kan Mandheera oo Mamuul Gobaleedyada iyo Dowlada Soomaaliya heeshiisyo la galaya Dowlada Kenya maxay samayn lahayd. Ayuu yiri.

Sidoo kale faraax Macalin ayaa intaasi ku siidaray “Dowlada Soomaaliya way ku saxantahy Go’aanka ay qaadatay, masuuliyada Dalka waxay saaran tahay xukumada waa in ay ka hortagtaa faragalinta Dowladaha Shisheeye, wanaa waajib saaran ayuu sii raaciyey.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan xad Gudubyada Kenya ku baaqday in ay joojiso, basle maysan qaadan baaqyada iyo digniinta Dowlada Soomaaliya, taasi oo ugu damabayn ka dhalatay in xiriirka Diblomaasiyeed loo jaro Kenya.

Maalinta Biri ah oo beegan taahy Taarikhda 20Bishaan ayaa loo madalsan yahay in loo faariisto shir lagu qabaanayo Caasimada Jabuuti kaasi oo inta badan looga hadlayo arimaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dacwad u gudbisay Urur Gobaleedka IGAD kaasi oo loo madalan sanayahy Maalinta Biri, waxaana xusid Mudan Dowladada Soomaaliya ay Gabi ahaanba Joojisay Xiriirkii Diblomaasiyadeed ee la lahayd dhigeeda kenya

Si kastaba ha’ahaatee siyaasin iyo Xildhibaano ka tirsan Xukumada Uhuuraha Kenyatta ayaa dhaleeceen u jeediyey sida ay u wajahday Siyaadada Soomaaliya, islamarkana xukumada ugu baaqay in ay joojiso xad gudub yadada iyo kala qaybinta ay kuwado bulshada Soomaaluyeed, maadama ay qaar ka tirsan Maamulada ay soo dhawaysanayso, lana galayso heshiis aan xaqiiqda ku salaysnayn