Dowladada Soomaaliya oo xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay dhigeeda Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo ay ku sameyneyso madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhammaan diblomaasiyiinteeda kala soo baxeyso daalka Kenya, waxayna ku amartay inay kuwa Kenya dalka uga baxaan toddoba maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka December oo ku beegaan Maanta oo talaada ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku eedaysay Kenya in ay faragalin ku hayso arimaha Gudaha Soomaaliya, islamrkana ay ka shaqaynayso kala fogaynta Bulshada Soomaaliyeed, ayadoo lamacaamilaysa Maamulada Dalka, taasina ay ka dhalatay in go’aan ay ka soo saartay xadgudubyada ka dhanka ah madaxbanaanida Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Faderaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, oo warbahinta lawadagay Go’aanka Dowlada Soomaaliya ayaa sababta ka dhigay in Dowlada Kenya ay xad Gubyo siyaadeed ku hayso Dhigeeda Soomaaliya, islamrkana sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan gorgortan siyaasadeed ka galayn xornimada iyo madaxbaanida Soomaaliya.

Go’aankaan xiirka loogu jaray Kenya ayaa imanaya ayadoo Dowlada Kenya ay shirar ka wado Caasimada Kenya ee Nayroobi. Islamrkana heshiisyo sharciga baalmarasan ay laga layso Maamulka Gooni u goosaska, oo xubno ka tirsan ay ku sugan yihiin dalkaasi.

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayaa dacwad u Gudbisay Uruur Gobaleedka IGAD, kaasi oo loomadalsan yahay 20ka Bishaan, waxaana inta badan looga Doodi doonaa xiisada ka dhex aloonsan Soomaaliya iyo Kenya.