Wasiiro Hore iyo Xildhibaano qaatay Hanti dadweyne, islamarkaana loogu baaqay in ay soo celiyaan
Warqad ka soo baxday xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu faray illaa 14 masuul oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo qaarkood horay xilalkii looga qaaday inay dib u soo celiyaan gaadiid ay dowladdu leedahay.
“Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee ilaalinta Hantida Qaranka ayuu xafiisku tirakoob iyo xaqiijin wajigii labaad ah ku sameeyey hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayey soo celinta gaadiidka dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa intaas ku sii daray, “Xafiisku waxa uu ogaaday in gaadiid ku jira gacanta mas’uuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoranyihiin uu yahay hanta dowladeed oo loo baahanyahay.
Liiska la soo saaray ee Wasiirada gaadiidka ku maranyihiin ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gishan Wasaaradda Maaliyadda ku maqan iyo xubno kale.
Gaadiidka ayaa waxaa ka mid ah lix gaari oo ah kuwa aan rasaasta karin Pulletproof iyo gaadiidka kale ee nooc raaxada ah.
Hantidhowrka ayaa u qabtay mas’uuliyiintan in muddo toban cisho gudahood ah ay ku soo celiyaan gaadiidka gacantooda ku jira, kuwaasi oo ah hanti ay leedahay Dowlada Soomaaliya iyo shacabka.