Siaasiin iyo wax Garadka Jubaaland oo eedaymo u jeediyey Maamulka Axmed Madoobe
Siyaasiin iyo odayaasha dhaqanka ee ka Soo jeeda Deegaanada Jubalaand, oo shalay shir ku yeeshay Magalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Axmed Madoobe uu doonayo in uu boobo kuraasta deeganada Jubalaand.
Odyaasha iyo Siyaasiinta ayaa cambaareeyey hadalkii ka soo yeeray Axmed Madobe ee ahaa in laga Soo saaro Gobalka Gado, Ciidamdada Xooga Dalka, kuwaasi oo ka taliya qaar ka tirsan Deeganadaasi .
Sidoo kale odayaasha ayaa ku eedeeyey in Axmed madoobe uu rabo in uu qabto doorasho ku dhisan sadex qof mid ii soo qabo, taasi oo ah mida hada uu kaga taliyo Kismaayo iyo Afmadow.
Siyaasinta ayaa sheegay in ay doorasho ku qabsanayaan Gobalka Gado, islamrkana halkaasi lagu soo dooranayo Xildhibaanada Jublaand ee kamid noqonaya Baarlamanka 11aad ee Dowlada Fadraalka Soomaaliya.
Siyaasinta iyo odayaasha ayaa intaasi sii raaciyey in Magaalda Kismaayo aysan ka tirsanayn Soomaaliya, islamarkana laga maamulo Kenya, taasina ay sababtay in aysan tagi karin sababo la xiriira amaankooda.
Gabagabada shirka siyaaaiinta iyo waxgaradka ka Soo jeeda Deeganada Jubaalnd ayaa Dowlada ka dalbaday in ay wax ka qabato Arimaha Jublaand, islamarkana odayaasha ay yihiin soo xulayaasha Xildhibaanada, ayagoo ku eedeeyey in Axmed madoobe uu doonayo in uu boob ku sameeyo Doorashada Xildhabanada Deeganada Jubalaand