Dowlada federaalka Soomaaliya oo amar kusoo rogtay Muwaadiniinta Kenyaanka ah
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday shuruudo cusub oo ku socda dadka Kenyan-ka ah ama sita Baasaboorka dalkaas ee imaanaya Soomaaliya.
Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ku wargalisay Muwaadiniinta wata Baasaboorka Kenya in ay safaarada Soomaaliya ee Kenya ay ka Soo qataan Dal ku galka Soomaaliya, islamarkaana lala xisaabtami doono shaqsiyaadka aan wadan.
Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay muwaadiniinta Kenyanka ee ku safraya Baasaboorka Diblomaasiga iyagana looga baahan yahay inay haysataan ogolaanshaha Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
Qodobadan ayaa noqonaya kuwo laga doonayo dadka wata Baasaboorka Dalka Kenya, islamarkaana laga rabo in ay buuxiyaan shurudahaan, kuwaasi oo looga hortagayo wax walbo oo qatar ku ah amniga iyo caafimadka shacabka Soomaaliyeed.
“Iyada oo la fulinayo Siyaasadda dowladda federaalka ah ee xaqiijinta amniga, hagaajinta habka socdaalka dalka iyo yareynta khataraha caabuqa Covid-19, laga bilaabo December 13, 2020-ka, dadka ku safraya baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya inay soo galaan dhulka Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya waxaa looga baahan yahay dal ku-gal, waxayn kasoo qaadan karaan Safaaradaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka hayadda.
Tallaabadan ayaa imaaneysa xilii ay dowladda federaalka Soomaaliya eedeymo culus u jeedisay xukuumadda Nairobi, iyada oo dhawaan ceyrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya, una yeeratay safiirkeedii Nairobi.
Kenya ayaa hadda dhexda uga jirta cadaadisyo siyaasadeed oo ka jira gudaha dalkeeda taas oo ay ugu horayso xiriirkii ay la laheyd soomaaliya.
Siyaasiyiinta kenyaanka ayaa madaxweynaha Kenya uhurru kenyatta ku dhaliilay faragelinta ay xukuumadda nayroobi ku heyso arrimaha dooroshooyinka soomaaliya,waxaana ay u soo jeediyeen in uu faraha kala baxo siyaasadda soomaaliya.
Hakinta ganacsigii khaadka, joojinta lacagihii badnaa ee dalalka caalamka ku bixin jireen arrimaha soomaaliya oo ay ugu weyn tahay shirarka iyo Siminaaradda ayaa dhabar jab dhaqaale ku noqday kenya