Puntland Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday oo go’aamo cusub ku dhawaaqay

Sideedii xildhibaan ee ka tirsanaa baarlamaanka Puntland, islamarkaana Khamiistii la soo dhaafay lagala noqday xasaanadda ayaa shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen Garoowe, waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah.

Xildhibaanada oo kala ahaa ,Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) ,Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin ayaa marka hore ka horyimid xilka xayuubinta lagu sameeyey, iyaga oo sharci darro ku tilmaamay.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in weli ay ka tirsan yihiin golaha wakiilada maamulka Puntland, waxayna go’aan ay ku gaareen inay tegaan baarlamaanka.
Waxa kale oo ay ku eedeeyeen in madaxweynaha Puntland uu ka dambeeyey tallaabadii ay qaadeen xildhibaanada golaha, si aan loola xisaabtamin xukuumaddiisa.

Xildhibaan Cabdi Jamaal Cusmaan oo ka mid xubnahaasi ayaa si cad u weeraray guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu ahaa Abwaan fanka ku fiican, balse uu soo galay meel aan maqaamkiisu aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“C/rashiid nin abwaana weeye golaha fanka aad buu ugu fiicnaan lahaa, Golihiisii buu ka yimid , mid kaloo aan maqaamkiisa ahayn ayuu soo galay , wuxuuna noqday maykarafoon lagu hadlo oo wax la faro , wixii baarlamaanka ka dhacay wuxuu isagu keenay maaha , ee waa fariin uu soo faray madaxweyne Deni, ”ayuu yiri. Cabdi Jamaal.

Ugu dambyeh sideeda xildhibaan ee laga saaray baarlamaanka Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan, islamarkaana ay ilaaliyaan midnimada iyo amniga intaba