Mucaaradka Dowlada oo ka walacsan Doorashada, islamrkaana qorshaynaya sidii ay isku bahaysan lahaayeen
Iyadoo Dalkeenna oo ka yimid meel fog, qofkastana uu ogyhay xaalada uu dalku soo maray ayay hadda muuqaneysaa saan-saan colaadeed oo ay siyaasiyiin hor boodayaan kuwaas oo doonaya in Dalka dib ugu laabto dagaaladii sokeeye ee la soo maray.
Madaxweyne Maxamed C.llaahi Farmaajo oo ku yimid rabitaanka shacabka ayaa fagaare kaste ka sheega in dalkeenna aan dib loo celin isla markaana ay shacabka gacmaha isqabsadaan, tani waxa ay ka careysiisay siyaasiyiinta mucaaradka waxayn bilaabeen kicin dadweyne iyo In ay ku hanjabaan in dib dalku ugu laabanayo Bur-burkii aynu ka soo kabanay.
Laga soo bilaabo C.raxmaan C.shakuur Warsame, ilaa Ra’iisul wasaarihii ay kalsoonida kala laabteen golaha shacabka ee Xasan Cali kheyre ayaa ku wada goodiyay in cawaaqib xumo ay ka dhalan haddii aan la sameyn waxa doonayaan.
Shalay ayay aheyd Ka dib markii uu Ra’iisul wasaarihii hore ee kalsoonida golaha shacabka kala noqdeen uu dalka dib ugu soo laabtay, sheegeyna in dalku uu gali doono xaalad qatar ah taas oo loo fasiray qalalaaso hor leh oo la doonayo in dalka dib loogu celiyo.
Mucaaradku waxay tusaale usoo qaadanayaan in dalku uu gali doono colaad lamid ah midda ka taagan Itoobiya gaar ahaan ismaamul goboleedka Tigreega.
Sidoo kale xog Sareey fm ay ogaatay ayaa shagaysa in qaar kamid ah Mucaraadka Dowlada Soomaaliya ay maanta shir uga qabsoomi doono Magalada Muqdisho, islamarkaana looga soo horjeedo Dowlada