Caasimada Kenya oo la ogaaday in ay jiraan Suuqyo lau kala iibsado Caaruuta iyo Haweenka
Bilihii nasoo dhaafay ee sanadkan waxaa soo badanayay wararka la xiriira caruurta la afduubto ee lala fakado, ayadoo kiisas badan oo xatooyda caruurta ahi ku cusbayeen dhegaha iyo maqalka shacabka Soomaaliyeed Gobol iyo Caasimad intaba, hadana waxaa soo if baxaysa xogo la xiriira arinta ka Ganacsiga Caruurta.
Caasimada Kenya ee Nayroobi ayaa laga helay xarumo ay ku jiraan caruur aan waalidkood ka warqabin, laguna keenay afduub ahaan iyo in laga ganacsado.
Sareeye fm ayaa soo ogaatay in Magalada Neyroobi ee Caasiamda Kenya ay ka jiraan Xarumo laga Soo abaabulo Falalka la xiriira ka ganacsiga Xubnaha Bili aadamka, isalamarkana loo sii iib geeyo wadamada kala duwan ee Caalaamka.
Goobo badan ayaa ku yaala Magalada Neroobi, kuwaasi oo inta badan la geeyo caruurta laga Soo Afduubto Magaalooyin ay kamid tahay Soomaaliya, ayagoo ay jogaan Shaqsiyaad laga Soo abaabulay Kenya, kuwaasi oo ku sugan Gudaha Soomaaliya
Mudooyinkii damabe ayaa waxaa ku Soobadanayey Gudaha Soomaaliya Shaqsiyaad Beegsanaya Haweenka iyo ilamahaa yar yar, kuwaasi oo Afduub u gaysanaya, islaamrkana lacago ku qaadanayey.
Warbaahinta Caalamka oo il gaar ah ku haysa arinta suuqa madow ee lagu kala iibsado Caruurta Africa, ayaa Xuustay in Neyroobi ay ka jiraan Xurumo lagu kala gato Jirka Bili aadamaka, waxayna soo jeedinyen in fiilo gaar ah loo yeesho Arimaha ka jira Gudaha Kenya.