Dowalda Kenya oo Faah faahin ka Bixisay kulankii ay la yeesheen dhigooda Soomaaliya
8 dii bishan aynu kujirno waxaa Muqdisho yimid wafdi uu hogaaminayo xogahayaha wasaarada arimaha dibadda Kenya Macharia kamau, si uu wadahadal ulagalo madaxda dalka, waxaa wafdigaasi la kulmay ama qaabilay dhigooda Soomaaliya ee la heerka ah.
Kulanka labada dhinac oo gogol xaar u ahaa in ay laga wadahadlo arimaha 2 dal ee Kenya iyo Soomaaliya, ayaa ajandaha ugu weyn u ahaa ergada Kenyaatiga in laga caawiyo hoos udhaca dhaqaale ee dalkeeda kala kulantay Soomaaliya, sida: xayiraada qaadka iyo tababarada shaqaalaha dowlada oo loo weeciyay meela kale halkii marka hore lagu qaban jiray ama loo aadi jiray Kenya.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda ka hadashay arinka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna ku adkeysatay in hab dhaqanka xukuumada Uhuuru Kenyaata wax ka badasho sida duulimaadyada iyo duqeymaha ay ka geysaneyso gobolka Gedo.
Wararka Sareeyo heleyso ayaa sheegaya ergadii ka socotay ama mataleysay Kenya ee uu hogaaminayay xogahayaha arimaha dibada Kenya macharia kamau, in ay tahay wax laga xumaado xiriir xumada labada dal ee dariska ah, arimaha jira la xalin doono, ayna ugu horeyso in dhankooda ay xayiraada dhanka duulimaadka rayidka ee lasii marsiin jiray Wajeer ama dalku kalkooda toos u noqon doono isla Garoonka Jooma Kenyaata.
Ukumada Uhuuraha Kenya ayaa wajahaysa Culaysyo kaga imaanaya xiriirka Soomaaliya, sidii ay dib ugu heli lahayd, kadib markii Dowlada Soomaaliya ay xayiraad ku soo rogtay Qaadkii ka imaan jiray Kenya, kaasi oo u ahaa il dhaqaale, islamarkana ay ku tiirsanyeen kumaan shacabka ah oo Kenyaan ah.
Hadalka machairia kamau ayaa imanaya kadib markii uu kulan la qaatay dhiigiisa danjire Maxamed Cali Nuur xaaji, ayadoo Kenya ay hada ku qasban tahay in ay joojiso faragalinta Siiyaasada Arimaha Gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay amar buuxa ku soo rogto Ciidamadeeda ku sugan xuduudka iyo Gudaha soomaaliya, si ay u joojiyaan Gabood falada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Gobalka Gado