Wafdi ka socda Dowlada Kenya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

Wafdi ka socda Dowlada Kenya ayaa soo gaaray Maglada Muqdisho, aydoo lagu soo dhaweey Garoonka Diyaaradha ee Aadan Cabdule Cismaan.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey Xoghaya guud ee Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Amb macharia kamau, aydoo ay ku wehlinayeen Masuuliyiin kale oo ka tirsan Kenya.

Xog ay heshay Sareeey fm ayaa sheegaysa in Masuuliyinta Kenya ay rabaa in ay kala hadlaan Dowalada Soomaaliya, arimo la xiriira qaadka, isamarkana wadalkaasi ay horey Dowalada Soomaliya ay sharuudo ugu xirtay Dowalada Kenya, taasi ay ugu horeyso in Dowalda wadankaasi ay raali galin ka bixiso, gafkii iyo xad gudub yadii ay diyaaradaha kenya ku soo galeen hawada Soomaliya, si baal marsan sharciya.

Sidoo kale Dowada Kenya ayaa tacadiyo kala duwan ka gaystay Gudaha Soomaliya gaar ahaan Goblka Gado, oo ka tirsan Maamulka Jubaaland.

Dhinaca kale Dowalda Soomaliya ayaa xayiraad ku soo rogtay Qaadkii ka imaan jiray Kenya, kaasi oo il dhaaqlo u ahaa Xukumada Kenya, tan iyo markii uu dilaacay Xanuunka Corrana Virus, kaasi oo saamayn ku yeeshay Caalamka.

Kadib xayiraadii qaadka Kenya, waxaa qaybo kamid ah Gobalda Dalka keynya soo wajahday xalaad adag, islamarkkana waxaa adkaatay Nolosha Deegaano kamid ah wadankaasi, aydoo ganacsata qaadka ay ku kaceen Xukumada Uhuuraha Kenya.

Ganacsatada qaadka kenya ayaa qasaara Maalin walba Maalaayiin doolar, kuwaasi oo ugu damabyn eedayn iyo baanbaxyo looga soo horjeedo Xukumada uhuuraha kenyatta ay ka dhaceen qaar kamid ah Gobalda dalkaasi, ayagoo ku eedeyey in ay dhaga ka furaysatay baaqyada kala duwan ee ka soo baxay ganacsata qaadka Kenya.

Dowalda Kenaya ayaa dhankeeda dhibaato ku haysa faragalin Siyaada Gudaha Soomaliya, waxayna Magalada Neeroobi ka soo abaaushaa qorshaayal ay ku doonayso in ay meesha kaga saarto Madaxda ahaatan talada dalka hayso, islamrkana waxay lacago ku bixinaysa sidii Mucaaradka Dowlada Soomaliya ay ugu soo bixin lahaayeen doorasha madaxwaynha, aydoo garab ka helaysa Dowlada Imaaradka.

Wafigaan ayaa ku soo aadaya ayaadoo maalmihii la soo dhaafay ay wadeen qaar kamid ah madaxda Kenya kulamo ay layeelanayeen Xogayaha Qaramada Midoobay Jeemis Sawan, oo sheegay in ay Kenya diyaar u tahay Xiisada Laba dal in la dajiyo.