Hogaamiyaasha Jublaand iyo Putlaand oo wali soo magacaabin Gudiyada Doorashooyinka
Maamulada jubalaand iyo Putlaand ayaa wali soo gudbin Gudiga Doorashooyinka iyo Gudiga khilaafka, kuwaasi oo qaar kamid ah Maamul Gobaledyada ay soo Magacaabeen.
Jubaalnd iyo Putlaand ayaa la fahansan yahay in ay kamid yihiin Mucaaradka Dowlada, islamarkaana ay ka shaqeeyaan danaha dowladaha shisheeye, aygoo raadinaya dano gaar u ah.
Jubaalnad ayaa horey u shaacisay in aysan qayb ka ahayn doorashada Horaanta sanada 2021da, islamarkana sharuud ka dhigatay in hadii Ciidmada Dowlada laga saari waayo Gobalka Gado, ayasan qayb ka ahayn doorshada.
Hoogamiyaha Jubaalnd Axmed Madoobe ayaa ku adkaysanaya in isagu soo xulo Xildhibana Maamulka Jubalaand, taasi oo uu u ku doonayo in isaga looga dambeeyo jawadka soo xulista Maamulkaasi.
Axmed Madoobe iyo dani ayaa ah hoogaamiyaal aan ka shaqayn danta guud, aygoo la kala safan Kenya iyo Imaaraadka oo faragalin ku haya Soomaaliya.
Dowladaha Kenya iyo Imaaradka ayaa lacago badan ku bixinaya sidii meesha looga saari lahaa madaxda haatan talada haysa, islamarkana waxay rabaan shaqsiyaad ay ku shaqaystaan, si ay gacanta ku dhigaan wadanka