Xukumada Uhuura kenyatta oo wajahaysa cadaadis kaga imanaya Bulshada ku dhaqan Wdankaasi
Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa kordhiyay cadaadiska ay saarayaan xukuumada Uhuuru Kenyaata ee Nayroobi,taas oo ku aaddan in ay si deg deg ah u xaliso arrinta Qaadka.
Bogga Twitte-ka ee wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa lagu qoray in wasaaraddu ay balanqaadeyso wada hadal deg deg ah oo ay la yeelaneyso dowladda faderaalka ee Soomaaliya si xal looga gaaro Qaadkii ay ganacsatada Kenya ka macaashi jireen lacagaha badan.
Ganacsatada Qaadka kenya oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha ganacsatada Qaatka Kenya ee kiratu murungi ayaa kulan gaar la qaatay mas’uuliyiinta Kenya isaga oo u sheegay in dhaqaalo farabadan uga baaqday dhanka Soomaaliya taasoo ka dhigan in maalin kasta ay khasaaraan lacag dhan 5-bilyan taas oo ka soo xaroon jirtay khaadkii tagi jiray soomaaliya tan iyo markii dowladu mamnuucday Qaadka Kenya.
Ismaamulka Meru oo ah Halka uu Qaadka ka baxo ayaa qorsheynaya in ay dib u bilaabaan banaanbaxyo kale oo ay kaga soo horjeedaan Xukumada Uhuura Kenyatta
Dowladda faderaalka ee soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cunaqabateyn dhaqaale oo abid tii ugu xumeyd ah saartay dowladda Kenya, waxaana dowlada faderaalka ay joojisay Qaadkii micno darada ahaa ee ka imaan jiray Kenya, kaas oo kaliya ay ka faa’iideysan jireen dowladda kenya iyadoo aysan wax faa’iido ah ugu jirin dadka Soomaaliyeed marka la eego dhaqaalaha, wallow ay jiraan in si qarsoodi ah lagu soo galayo doomo dhanka Bada ah, balse dadbadan ayaa qaba in sidii hore uu san ahyn.
Shacabka soomaaliyeed ayaa aad u ammaanay go’aanka dowladda ay ku joojisay Qaadka iyaga oo sheegay in isbedel badan uu ku dhacay nolosha qoysas badan kuwaas oo kheyr uu u ahaa in dowladda madaxweyne Farmaajo ay joojiso Qaadka.
Burburka dhaqaale ee soo gaaaray kenya ayaa lagu tilmaamaya in uu ku dhow yahay mid isku bedeli kara kacdoon dadweyne oo ugu dambeyntiina Uhuuru booskiisa ku waayo