Dowlada Masar oo martiqaad u samaynaysa Xasan shiikh iyo Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Farah Cabduqadir.

Dowlada Egypt ayaa bilaawday inay martiqaad usameeyso Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheikh iyo wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Farah Cabduqadir.
Egypt, Sacuudi Carabiya iyo Imaaradka ayaa horey shirko ugu ahaa inay si toos ah iyo si dadban uga Soo horjeestaan dowlada uu madax weynaha ka yahay Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka madax adaygay inuu fuliyo danaha dwoladahaan Carbeed.
Imaaradka ayaa doonayay in dhamaan lagu wareejiyo dhaqaalaha Badda iyo Dekadaha dalka iyo in messha laga saaroTurkiga sidoo kalana xiriirkana loojaro.

Sacuudiga ayaa ka codsaday Dowlada Farmaajo in Ciidamo ka dagaalama Yemen iyo Iraan loogu deeqo Dawlada Sacuudi Carabiya.

Masar ayaa doonayay in Soomaalia Ciidamo difaaca wabiga Niil loo diyaariyo.
Dowlada Ethiopia ayaa dhisanaysa biyo xireenka wabiga Niil si ay uga dhaliso koronto.
Dawolada masaarida iyo Ethiopia waxaa kadhaxeeya muran xoogan oo uu dhaliyay webiga Biyaha Niil.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Farah Cabduqadir ayaa hada wadahadalo qarsoodi ah la leh Sirdoonka Masaarida. Waxayna dood furan kasameeyeen masraxa Al Ahraam Institute.
Al Ahraam Institute ayaa ah hay ad kadhisan dalka Masar. Waxay falanqaysaa, talana kabixisaa siyaasadaha Geeska Afrika.
Al Ahraam Institute ayaa sitoos ugu xiran wasaarada amniga iyo Sirdoonka Masar.