Banaan bax looga soo horjeedo Madaxwaynha Faranciiska oo ka dhacay Magalada Burco ee Gobalka Togdheer
Banaanbax loogaga soo horjeedo dowlada Faransiiska ayaa ka dhacay magaalada Burco ee Gobalka Togdheer
Dadka ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Faransiiska, iyaga oo sidoo kale gubayay sawirka madaxweyne Emmanuel Macron.
Dadka ka dhex muuqday dibadbaxa waxaa ka mid ah ganacsatada magaalada oo sheegay inay joojin doonaan badeecada ka timaadda Faransiiska.
Bananbaxaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee looga Soo horjeedo hadalka Madaxwaynaha Faranciika ee uu ku Af lagaadeyey Nabi Muxamed NNKH.
Sidoo kale Waxaa ka hor imaaday hadalka Macron Culamada Soomaaliyeed iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada, ayadoo Dowlada Soomaaliya loogu baaqay in ay xiriirka u jarto Dwlada Faranciska.
Wadamo badan oo Muslimiin ah ayaa ka gilgishay gafka Madaxwaynaha faranciiska, ayadoo ay joojiyeen Badeecadihii oga imaan jiray iyo kuwii ay u dhoofin jireen, islamarakana ay kala Soo baxeen safiirada u jogay wadanka faranciiska.
Sidoo kale Saacada Soosocda ayaa lagu wadaa in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay ka dhacaan Bananbaxyo looga soo horjeesanayo hadalka Madaxwaynha Faranciiska.