RW Rooble oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, nabadgalyada, Iskaashiga Somaaliya iyo Caalamka ee ku aaddan arrimaha horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan Arrimaha Soomaaliya, sida Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa sheegay in QM ay had iyo jeer garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay dardar gelinta howlaha horyaalla.

Tan iyo markii la magacabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu dalaal dheer ku bixinayey sidii wax looga qaban lahaa xaalada Caasimada, asagoo ku dhiiraday in wadooyinka ama jidadkii xirnaa in mudo ah laga qaado dhaxaanta, sidoo kalna waxuu furay wadada isku xirta km4 ilaa Taranbuunka.
Dhanka kale Xukumada cusub ee Rooble ayaa ku hawlan sidii ay u waji lahayd doorasho hufan oo wadanka ka dhacda, islamarkaana looga fadhiyaa in waqtigeeda ay ku qabsoonto.