Gudoomiye Macalimow oo ka hadlay xalada Magalada Ceel-waaq ee Gobalka Gado
Gudoomiyaha Gobalka Gado Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaalada degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gado.
Gudoomiye Macalimow ayaa sheegay in Dagmada Ceeelwaaq ay u baahan tahay xorayn, islamarkaana ay Maamulaan daba dhilifyo ka amar qaata Horjooge Axmed Madoobe iyo qaar ka mid ah Ciidamada Kenya , sida uu hadalka u dhigay Macalimuu.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in degmada Ceelwaaq oo kaliya ay ka taliyaan Ciidamo taabacsan Axmed Madoobe, aydoo taageero ka helayaan Ciidamda Kenya, taasina ay sababtay in shacabka ku nool ay la kulamaan tacadiyo joogta.
“Waxaan shacabka wadaniyiinta ah ee Ceelwaaq uga mahad-celinayaa adkaysigooda, dhiiranaantooda iyo dowlad jacaylkooda, waxaan marnaba ilaawi karin sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen maamulkooda,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxuu carabka ku adkeeyey in shacabka reer Ceelwaaq mardhow laga dulqaadi doono Gumaysiga ee ku hayaan Axmed Madoobe iyo Xulafadiisa.
Wuxuuna intaasi raaciyey Gudoomiyaha Gobalka Gado xiriiro ay la sameeyeen Ciidamada Kenya ee ka haowlgala xuduud beenaadka ay soo daayeen 3qof oo ay horey uga Afduubteen deegaanka Yedo, oo u dhow degmada Ceelwaaq.
Ciidamada Kenya ayaa si joogto tacadiyo u geysta shacabka gobolka gedo waxaana maamulka axmed madoobe uusan weligiis ka hadlin dhibaatada loo geysanayo shacabka gedo taas oo muujineysa in axmed madoobe uu raali ka yahay dhibaatooyinka ay ciidamada Kenya ka wadaan Gobolka Gedo