Xaliimo Yarey oo ee dayn u jeedisay Maamul Gobaleedyada
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ka hadashay xubnaha ay maamul goboleedyada soo magacaabeen ee ah guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay Xaliima Yarey ku sheegtay in maamul goboleedyada markii laga reebo Puntland aysan wax haween ah ku soo darin guddiyadii ay soo magacaabeen.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegtay in arrintan ay tahay wax laga xumaado, sidoo kalena xad-gudub ku ah mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha.
Waxa kale oo ay ka dalbatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu wax ka qabto arrintaasi, si haweenku ay door ugu yeeshaan doorashada soo socota ee 2020/2021.
“Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda FM-ku ka reebtay haweenka guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha,” ayey tiri Xaliima Yarey.
Hadalka Xaliimo yarey ay ku dhaleecaynaso Maamul Gobaleedyada marka lag reebo Putlaand ayaa ku soo aadaya xili Xubnaha kumatlaya Gudiga doorashooyinka ay yihiin dhamaan rag marka laga reebo hal dumar ah.
Dhanka kale Maamulka Hirshabeele ayaa soo macagacabay Gudiga doorshooyinka iyadoo ay ku jirto hal dumar ah Xubnaha hirshabeelle