Qaar kamid ah Maamul Gobaleedya oo wali soo Magacaabin Xubnihii kumatali lahaa Gudiga Doorashooyinka
Shalay ayay ku ekayd in la soo gudbiyo Xubanaha matalaya Gudiga Doorashooyinka Heer faderaal iyo mid Maamul Gobaleed, ayaa waxaa soo baxaya war ah in aysan soo gudbin xubnaha ku matalaya gudigaan Maamul Gobaleedyada.
Dowlada Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka Federaalka ayaa horey heshiis uga gaaray Arimaha Doorashada ee horaanta Sanadka 2021da.
Sida ku xusan jadwalka Doorashada Gudigaaan ayaa mudadiisa ku ekayd shalay oo taariikhda ku beegnayd 20 bisha October ee sanadkaan, oo ahayd kama damaysta soo gudbinta.
07-bishan oktoobar ayuu ra’iisul wasaare rooble warqad u qoray madaxda maamul goboleedyada taas oo sheegaysay in ay soo gudbiyaan xubnaha ku matalaya guddiga dooroshooyinka.
Sida uu sheegay la taliyaha dhinaca dooroshooyinka ee ra’iisul wasaare rooble abukaate cumar maxamed cabdulle (cumar dhagey) ayaa BBC-da u sheegay in ilaa hadda maamulada koonfur galbeed iyo jubbaland ay soo gudbiyeen xubnihii matali lahaa Lana sugayo maamulada puntland,Galmudug iyo hirshabeelle kuwaas oo aan ilaa hadda soo magacaabin xubnihii matali lahaa.
Madaxweynaha puntland saciid Deni ayaa la fahansan yahay in uu caqabad ku yahay dhismaha guddigan isagoo ka duulaya aragtida dowladaha kenya iyo imaaraadka.
Hirshabeelle jahwareer siyaasadeed ayaa ka jira waxaana madaxweyne waare uu isagana Ka gaabiya magacaabista xubnaha heer dowlad goboleed, isagoo dayacay mas’uuliyaddi ka saarneyd ka shaqeynta dooroshooyinka.