Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magaacabay Golaha Wasiiradiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dhowaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumaddiisa, oo muddada la sugayey.

Liiska wasiirada ayaa waxaa ku jira xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre dib loo soo celiyey.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayey in uu soo dhiso Xukumad Tayo leh, taasi oo ka samatabixin karta wadanka Xaalada kala guurka, waxana horyaala qorshyaal looga bahaan yahay in Ay Fuliso Xukumada cusub Ee Rooble.

Golahaan Wasiirada Cusub ayaa looga Fadhiyaa sidii wadanka ooga Dhici lahayd Doorasho, midaasi oo ku salaysan Caadaalad, inkastoo ay tahay Doorasho Dadban.

Xalay ayuu magacaabay Rooble Golahiisa Wasiirada, Wasiiro Xigeen iyo Wasiiro Dowlayaal, kuwaasi oo sii anba qaadi doona howlihii xukumadii hore ee khayre.

Dhanka Madaxwaynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Soo dhaweeyey Magacaabista Golaha Wasiirada ee uu ku dhawaqay Rooble.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in ay ansixiyaan Xukumada Rooble, si loo siiyo codka kal soonida, una gutaan waajibaadka Saaran