Taylaand oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay
Dowladda Taylaand ayaa Khamiista maanta ah mamnuucday dibadbaxyada iyo faafinta hadallada xasaasiga ah, xilli ay sii kordhayaan dibadbaxyo lagu bartilmaameedsanayo boqorka Taylaand, boqor Maha Vajiralongkorn iyo ra’isulwasaare Prayuth Chan’ocha.
Amar deg deg ah oo ay dowladda soo rogtay ayaa bartilmaameedsanaya dibadbaxyaasha si nabadda ah u bannaanbaxaya, kuwaasoo intooda badani ay hadda ku suganyihiin bannaanka xafiiska ra’isulwasaaraha. Amarka ayaa dhigaya in aysan hal meel isugu iman karin wax ka badan shan qofood.
Bannaanbaxyada ka socdo Tayland ayaa lagu dalbanayaa in xukuumadda ay dhacdo iyo in wax laga badalo dastuurka