Dowlada Soomaaliya oo Ciidamo ka tirasan xooga dalka gaysay Gobalka Gado
Iyadoo dhowaan ay ciidamadda xoogga dalka ee ku sugan xuduud beenaadka soomaaliyaa iyo kenya ay hor istaageen damac ay kenya ku dooneysay in ay dhibaato hor leh u geystaan shacabka soomaaliyeed ee gobolka gedo ayay Dowlada federaalka Soomaaliya cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga geysay shalay magaaladda Doolow ee Gobalka Gado.
Ciidamadan ayaa lagu wadaa inay qayb ka noqon doona ciidamo horey ugu suganaa Magalada Balada xaawo, islamarkana ay ka howlgali doonan xad beenadka Kenya ay samaysatay.
Axmed Madoobe oo ay gadaal ka taagan tahay kenya ayaa dhawaan sheegay in ciidamadda xoogga dalka ee ku sugan gobolka gedo laga saaro, isaga oo hadalkiisa u muuqday mid wadada u sii furaya xadgudubyada ay kenya ku heyso shacabka soomaaaliyeed ee ku nool gobolka gedo.
Sidoo kale Ciidmadan ayaa gaari doona Magalada Madaxda Gabalkaasi ee Garbaharey, taasi oo ay ka dhici doonto Doorashada Xildhibaanada soo socdo ee 2021.
Ciidamdan ayaa xoojin doonaa ciidamadii horey ugu sugnaa gobolka gedo, iyadoo mudooyinkii Dambe ay Ciidamda Kenya tacadiyo Dil, iyo Afduub ay ka gaysanayeen deegaano ka tirsan juballand Gaar ahaan Gobalka Gado.