Ayax dhibaato ku haya deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug
Ayax cusub oo raxan raxan u socda ayaa ku habsaday dhul ballaaran oo ku yaalla deegaannada Galmudug kaas oo dhibaato ba’an gaarsiiyay beerihii iyo daaqsin ka mid ah deegaankaasi.
Deegaannada lagu arkay Ayaxa cusub waxaa ka mid ah Gaalkacyo, Cadaado iyo Caabudwaaq wuxuuna ka soo gudbay deegaanadda Puntaland.
Sii hayaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo waraysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ayaxa cusub uu durba baabi’iyay dhul-daaqsimeed iyo beero faro badan inkastoo wali qiimeyntu socoto.
“Khasaaruhu, wali wuu socodaa qiimeyntu maaddaama wali dhibaatadii socoto lama soo afmeerin laakiin dhul badan oo daaqsin ah, dhul badan oo ah dhulkii xooluhu daaqayeen iyo beero intaba, dooxooyinka uu ku habsaday wuxuu kala tagayaa wax allaale iyo wixii cagaar ahaa si degdeg ah ayuu u xaalufinayaa halkii meel oo uu ku dagana wuxuu cuni karaa wax lagu qiyaasay soddon iyo shan kun oo qof waxa ay cuni lahaayeen ayuu hal mar cuni karaa ayaxu” ayuu yiri wasiir Ciid.
Sii hayaha Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dawladda oo kaashanaysa hay`adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ay muddaba ku hawlanaayeen buufinta deegaannada ayaxu ku dagay iyagoo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gawaarida gaashaaman.
Mudooyiinkii dambe ayaa waxaa ku soo badanayey Soomaaliya Ayax, kaasi oo dhibaato ku haya beeralayda iyo dadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan Gobalada dalka.