Maxuu Salka ku hayaa Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Dowlada Soomaaliya iyo Kenya ayuu xiriirkooda waxuu ahaa mid caadi ah inta uu san sii xoogaysan khilaafka u dheexeeya hada, kaasi oo ah mid salka ku hayaa kiisa bada ee ay sheeganayso Kenya.

Kenaya ayaa marti galisa siyaasinta Soomaalida marka lagaaro xiliga doorashada, sadandii 2017kii waxaa Kenya olole siyaasadeed ka waday siyaasin badan oo uu kamid yahay madaxwaynaha haatan talada haya, balse xiligaasi kenya iyo Soomaaliya xariikooda waxu uu ahaa mid caadi ah.

Waxaa jiray in la isku haystay kiisa bada kaasi oo si wayn khilaafkiisa u soo shaac bixin.

Tanyo markii la doortay Madaxwayne farmaajo, kenya waxay xooga saartay in ay ku kiciso qaar kamid ah Maamul Gobaleedyada sida Jublaand iyo Putlaand.

kenya ayaa saxiib hoosaad ka dhigatay Axmed Madoobe, dani iyo Mucaaradka Dowalda, kuwaasi oo ay ka rabtay in kiisa bada wada xajoog ay kaga dhamaysato.

Inta badan hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ayaa markii hore fadhigoodu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse amniga magaalada Muqdisho oo aan ahayn sidii hore iyo caddaadis uga yimid dowladda soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in uu sababay in hay’ado badan ay xafiisyo ka furtaan gudaha dalkeena Soomaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo burburkii dowladdii dhexe kadib howla badan ay kaga xirnaayeen Kenya ayaa haatan la dareemayaa in aysan saameyn badan kala kulmin khilaafka kala dhaxeeya Kenya.

Horaantii sanadkii 2018-kii, dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay shaqaalihii hay’adda duulista hawada Soomaaliya, kuwas oo ka howgali jiray magaalada Nairobi, balse haatan laga maamulo magaalada Muqdisho.

Xafiisyadii ku yaalay Kenya ayaa dhaaman waxa loo soo raray Gudaha Soomaliya arintaasi oo dhabar jab ku ah Kenya.

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayaa xayiraad ku soo rogtay diyaaradihii ka imaan jiray kenya, Kuwaasi oo keni jiray qaadka, waxana kenya soo food saartay dhaqaalo la’ aan.

Intaasi ka dib Kenya waxay bilowaday in Soomaaliya qalalaase siyaasadeed ay ku furto, aydoo Ciidmada Kenya ay ka billaabeen xasuuq loo gaysanayo dadka ku dhaqan Gobalada Jubaland gaar ahaaan Gobalka gado.

Kenya ayaa dad shacab ah ku dishay degaano hoosyimaada Magalada Ceelwaaq, qaarna ay Afduub ugu gaysatay.

Xaalada Kenya iyo Soomaaliya ayaa maraysa meeshi ugu xumayd waxaana siyaasin badan oo xilal ka soo qabtay dalkeena ay kawadaan hada ola lahooda Musharaxnimo Wadankaasi, ayadoo Kenya ay rabto in ay u adeesato danaheeda gaartka ah.

Isku soo wada duuboo waxay Kenya raadinaysaa sidii ay u heli lahyd dhaqaalaha Soomaaliya sida bada, iyo Ganacsiga qaadka, oo il dhaqaalo u ah Wadankaasi.