Hogaamiyaha Putlaand oo gaaray isutaga imaraadka Carabta
Hogaamiyaha puntland Siciid Cabdulaahi Dani oo maal-mihii la soo dhaafay ku sugnaa Magalada Neyroobi ee Caasimada Kenya, ayaa uga sii gudbay dalka imaraadka.
Siciid Dani oo kulamo kala duwan ka waday inta uu ku sugnaa Neyroobi, ayaa haatan lagu wadaa in uu la kulmo Madax ka tirsan imaaraadka, inta uu ku sugan yahay Abuu Dubia.
Warar hoose oo Idaacada Sareeye ay heshay ayaa waxay sheegayaan in Siciid dani uu kulamo la qaadanayo sir doonka Imaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya iyo Madax sare oo ka tirsan Boqortoyada Imaraadka.
Saciid Dani oo is xulufaysi la leh Kenya iyo imaaradka, ayaa u jeedkiisa yahay in lacago badan oo lagu hagar daamaynayo Soomaliya uu soo galiyo dalka, iyadoo loogu olalaynayo mucaraadka kasoo horjeeda Dowladda soomaaliya.
Deni Waxa uu weli ku howlan yahay arrimaha dooroshooyinka dalka,isaga oo dayacay howshii ay u dhiibteen shacabka puntland.
Hogaamiyaha Putlaand ayaa sidoo kale kala hadalaya imaraadka heshiiskii dhawaan laga gaaray dooroshooyinka Soomaaliya,isagoo olole u raadinaya ajanadayaasha uu kenya kala tagay.
Ugu damabayn safarkaan ayaa imaanaya iyadoo Dani iyo siyaasin mucaarad ah ay ku sii qul-qulayeen Magalada Nayroobi oo ah meesha laga soo abaabulo hagardaamooyinka ay kenya la damacsan tahay Soomaaliya