Maamulka Israa’iil oo xiiriir la samaystay dalkii labadaad oo ka tirsan khaliijka kadib heshiis ay dhawaan galeen Imaraadka Carabta

Maamulka Israa,iil ayaa xiiriir la samaystay dalkii labadaad oo ka tirsan khaliijka kadib heshiis ay dhawaan galeen Imaraadka Carabta iyo Israa’iil, ayaa waxaa soo shaac baxay in Bahrayn oo ka mid ah dalalka khaliijka ay si rasmi ah ay xirir oo la samaystay mamuulka yahuuda.

Israa’ill ayaa waxay galaangal siyaaseeed kawadaa Dowladaha Carabta aydoo damaceeda uu yahay in samayn ay ku yeelato xaaladaha bariga dhexe, kuwaasi oo ay isku hayaan Maraynka, Israa’iil, turikga,iyo Eraan.

Bahrain ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyey oo Carab ah oo ogolaada inuu xiriir la yeesho Israel, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu wado maamulka madaxweyne Trump oo is-dhexgal loogu abuurayo Israel iyo dalalka Carabta ee Bariga Dhexe.

Trump ayaa heshiiskan ku dhowaaqay maanta kadib wada-hadal taleefon oo saddex geesood ah oo uu la yeeshay raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo boqorka Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa. Saddexda mas’uul ayaa sidoo kale soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah.

“Heshiis kale oo taariikhi ah ayaa dhacay maanta,” ayuu Trump soo dhigay Twitter-ka.

Heshiiskaan ayaa guul diblomaasiyadeed oo kale u ah Trump, oo lagu wado inuu 15-ka bishan Aqalka Cad ku qabto munaasabad lagu saxiixayo heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil, kaasi oo sidoo kale la filayo in ay ka qeybgasho Bahrayn.

Imaraadka Carabta, baharayn, masar, iyo Jordan, ayuu xariir lasamaystay israa’iil ayadoo uu daaba ka riixayo Maraynka, sidoo kale waxaa wali soo shaac bixin Boqortooyada sacuudi Carabiya, oo wali aan baanka soo dhigin qorsheheeda ku aadan Israa’iil.

dhan kale Dowlada Turkiga ayaa ka hortimid xiriirka diblomaasiyadeed carabta iyo Israa’iil dhexmaraya kaasi oo curintiisu uu leeyahy Madaxwaynaha Maraynkanka Donal Trump, oo doonaya in ay si buuxda Israa’iil oga mid noqoto Gobalka Bariga dhexe.