Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ku soo dhoweeyay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta Gareen, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne Qoor-qoor oo ay socdaalkiisa ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle Galmudug, waxa uu Baydhabo kaga qaybgali doonaan shir u dhexeeya dawlad goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa marka shirkooda u soo dhamaado isla maanta si wadajir ah imaanayaMuqdisho, si maalinta berri ay uga qeyb galaan Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay iclaamiyay inuu Muqdisho ka furmi doono 10-ka bishan septembet shir ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka.