Hogaamiyaasha Jublaand iyo Putlaand oo ku soo wajahan Magalada Muqdisho

Hogaamiyaasha maamulada Jubaaland iyo Putlaand, ayaa la filayaa in ay imaadaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Labadaan Hogaamiye oo hada ku sugan Xarunta Putlaand ee Garoowe, ayaa waxaa halkaasi ay ku qadanayaan shirar kala duwan, ayagoo Caadadis kala kulamayaan Beesha Caalamaka.

Todobaadka soo socda ayey soo gaari doonaan Magalada Muqdisho, ayadoo imasha labadan hogaamiye ay warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

balse Shir afaraad ayaa lagu wadaa in uu ka dhici doona Magalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeen doonaa Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada Faderaalka Soomalaliya.

Labaadan Maamul ayaa qayb ka aheen shirkii ka dhacay Magaalada Dhuusamereeb ee Xarunta Galmudug kaasi oo war murtiyeed ay kasoo soo saareen qaar kamid ah, Maamul Gobaladeeyda iyo Dowlada Soomaliya 19 bishaan.

Idaacada Sareeye oo u kuur gashay dalabka ay ku imaanayaan Axmed Madoobe iyo Siciid Dani, ayaa waxay soo ogaatay in dabada ay ka riixayso Beesha Caalamaka, ayadoo mararbadan ay dalabyo badan ay kaga imadaan labadan Maamuul.

Ugu dambayn shirka ka furmi doona Magaalada muqdisho todabasdka soo socda ayaa la rajaunayaa in xalwaaro laga gaaro khilaafka u dhaxeeya Maamulada Jubaaland, putaaland, iyo Dowlada Dhaxe si dalka ooga dhacdo Doorasho la isku waafaqsan yahay.

hadaba dhagayste sidee u aragtaa imaashiyaha siciid dani iyo axmed madoobe magaalada muqdisho. kadib codsiyo badan oo ay madaxda uu u ku imaan wayeen, hada maxaa ku soo beegay imashaha muqdisho