New Zealand: Maxkamadeynta ninkii Musliminta laayay oo Maanta billaabmeysa
Ninka Australiyaanka ah oo 51 qof ku dilay laba masaajid oo ku yaal New Zealand sanadki 2019 wuxuu su qorsheeyay toogashadiisa si uu u yareeyo khasaaraha, qareenka ayaa sheegay bilowga dhageysiga xukunka maanta oo Isniin ah.
Brenton Tarrant, oo ah shakhsi si cad u qirtay 51 dambi oo dil ah, 40 eedeymo ah isku day dil iyo hal eedeymo, inuu galay fal argagixiso oo la xiriira xasuuqii ka dhacay magaalada koonfurta ee Christchurch, oo uu si toos ah ugu baahiyay Facebook.
29-sano jirkan ayaa wajahaya xabsi daa’in, waxaa suuragal ah in uusan siidayn lahayn, markii la xukumay dhamaadka toddobaadkan.
Xeer ilaaliyaha Boqortooyada Barnaby Hawes ayaa sheegay in Tarrant uu booliska kadib qabashadiisa inuu doonayo inuu cabsi ka dhex abuuro dadka muslimiinta ah.