Butlaand iyo jublaand oo Beesha Caalamka ay ugu baaqday in ay ka qaygalaan Shirka Dhuusamareeb Sadex

Saaxibada Soomaaliya ee beesha Caalmaka ayaa ugu baaqday in Madaxda Dowlad Gobaleedyada Jubaaland iyo Putlaand ay ka qaybgaalan shirka Dhuusamereeb3 kaasi oo uu dhaxeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada.
“Qoraal ka soo baxay Beesha Caalmka ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayaan hogaanka Madaxda Dawlada Faderaalka Soomaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Faderaalka ay soo gaareen 15kii bishaan si halkaasi uu oga furmo shirka loo mudaysnaa.
“Waxay sidoo kale soo dhawaynayaan bilowga howsha gudiga farsamo ee wada jirka ah, oo loo soo xilsaaray kasoo talabixinta haanka doorashooyinka, si loogaro doorasho la isku waafaqsan yahay” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday Madaxda Dowladaha Xubaha ka ah Federaalka, ee aan kulanka wali ku soo biirin in si toos ah ay xiriir ula sameeyaan dhigooda hada jooga Magaalada Dhuusamareeb, si loo xaliyo khilaafka hada taagan, si dhaaman Madaxda uga qayb qaatan.
Maamulada jubaalnd iyo Butlaand oo diidan in ay ka qaybgalaan Shirka Dhuusa mareeb ayaa hada culaysyo kala kulmaya beesha caalamka.
Qoraalkaan kasoo Beesha Caalamka ayaa waxaa wali war ka soo saarin hogaamiyaasha kala ah Siciid Dani iyo dhigiisa Axmed madoobe.
Madaxwaynaha maamulka galmudug Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa baaq u diray labadan hogaamiye, ayagoo ka dhaga adeegay baaqa madaxwaynaha, balse Beesha Caalamka ayaa culays kusaaraysa sidii ay kaga qaybgali lahaayeen Shirka Dhuusa mareeb3 oo hada wajigiisa kobaad uu furmay.