Muwadiin Soomaliyeed oo cabasho ka gudbiyey Shirkado Ajaanib ah oo ka hawl gala Garoonka Diyaaradaha ee Adaan Cade

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa banaanbax cabasho ah samaynayey qaar kamid ah shaqaalaha muruqmaalka ah ee garoonka diyaaradaha magalada Magaalada muqdisho ee Aadan Cade.

Dibad baxyaasha ayaa ka cabanayey Shirkado Ajaanib ah, kuwaasi oo ay kawl gali jireen aydoo lagu dhibaatayn jiray Shaqadooda.

Shaqaalahan muruqmaal ka ayaa Dawlada ka codsaday in ay d wax ka qabato Shirkadaha Ajaanibta ah ee dhibaka ay ka tabanayaan.

Sii haya Wasiirka Shaqaalaha iyo arimaha bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlayey cabashada muruq maalka ah ee ka hawl gala Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Ujeddka kulanka ayaa ahaa sidii xal kama damabays ah looga gaari lahaa wax kaqabashada shaqalaha gadooka ka samyey Shirkadaha Ajanibta ah ee ka hawl gala Garoonka.

“Dawlada Soomaliyeed waxaa ka go’an in la dhawro Xaquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed,anaga taasi ayaa nakeentay ” ayuu yiri xildhibaan warfaa.

Shirkaani ayaa waxaa xigi doona kulamo xal kama dambays ah looga gaari doono cabashada soo noqnoqota ee muruqmaalka, Kuwaasi oo hada si rasmi ah ugu laabtay hawlahoodii shaqo kadib shaqo joojintii ay sameeyeen axadii