Dowlada kenya oo wada qorshe ay qaadkeeda ugu iibgaynayso Maamulka Muuse Biixi

Dowlada Kenya ayaa la galaangalaneysa fallaaraha suuqxumida qaadka Soomaaliya ee dhaqaaleheed 87% kutiirsanaa.

Isku dayo badan oo ay suuq ugu raadineyso Xukuumada Uhuuru Kenyaata qaadka ayaa Maamulka muuse biixi kulumo hoose kala yeelanaysa in ay siiyaan fursad ay kusuuq geeyaan qaadka, maadaama dhanka Koonfurta culeysyo kaheystaan.

Waxaa dhowr jeer safaro ku tagay gudoomiyaha gobalka Miiro, magaalada Hargeysa ee maamulka muuse biixi, Taasi ma noqon mid wax ka badasha culeyska iyo suuq xumida qaadka.

Heshiisyo ku saleysan dana isdhaafsi ayaa miiska usaaran Xukuumada Uhuuru Kenyaata in ay lagasho Maamulka Soomaalilan,Maadaama Maamulka Soomaalilaan ku riyooneyso madaxbanaani ama gooni ogoosad iskeeda ah ilaa muddo 30 sano oo ay wali wax natiija ah ka heyn tan iyo markii ay gashatay qorsheeda kala taga ah koonfur iyo waqooyiga qaarkood.

Halka ay Uhuuru Xukuumadiisu daneyneeso suuq siinta qaadka oo culeys dhaqaale iyo mid siyaasisadeed ku haya.

Uhuura oo raba in uu xilka markale u tartama ayaa xaalka ku xunyahay, hadii uusan xal u helin suuqxumida Qaadka, waxaa cadaadis darran ku haya gobolo badan oo dakhligooda waxsoosaarka ku tiirsanaa qaadka.

Dhanka kale Wasiir katirsan maamulka muuse biixi, gaar ahaan wasaarada arimaha Dibadda Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon) Oo u waramay wargeeska Geeska Africa ayaa ka hadlay arimo ku aadan xiriika Maamulkooda kala dhaxeeya Dawlada kenya.

Ugu horeyn wasiirka ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo dood la sheegay in todobaadkaan Golaha Wasiirada Kenya ay yeelanayaan aqoonsiga Maamulka Soomaalind oo ka tirsan Soomaliya.

“Kenya waa Dal aynu daris nahay waa dad aan xiiriyo dhinacyo badan aaynu leenahay, wafdiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, anaguna sidaas si lamid ah wafdi ayaa u dirnay, marka iskaashiga aynu la leenahay waa sii adkaynaynaa, hadii qadiyadeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waynu soo dhawaynaynaa kenya” ayuu yiri wasiir faratoon.

Isku soo wada duub tani ayaa kusoo aadeysa tan iyo markii uu gaashaanka u daray Madaxweyne Farmaajo in aan la fasixi doonin qaadka, isla markaana carrabka ku adkeeyay in Shacabka Soomaaliyeed laga badbaadiyo sunta kenya lana ilaaliyo caafimaadkooda dhaqaalohooda ay tahay waajibka uu u dhaaratay qeyb kamid ah