Dowladda Soomaaliya oo xoogga saareysa ka hortagga masiibooyinka ka jira Dalkana Soomaaliya

Sii hayaha wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Siciid Xamse ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay xoogga saari doonto yareynta qataraha musiibooyinka ka dhaaca dalka.

Somaaliya oo ah Dawlad mudo ku jirtay burbur iyo dagaal sokeeya ayaa hataan waxay ku jirtaa soo kabasho dhankasta ah ayaado hataan dadaal ugu jirta sidii loo yareen lahaa dhibaatouinka kala duwan ee dalka dhaca sida abaaraha iyo fatahaada.

ku simaha Wasiirka oo ka qeyb galay shir gaar ah oo uu guddoomiyay sii hayaha ra’iisal wasaaraha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo laga jawaabayo baahiyaha jira hadana ay qasab tahay in xoogga la saaro in la sameeyo hab-dhismeedyada muhiimka ah ee ka qeyb qaata maareynta iyo ka hortagga musiibooyinka.
Wasiir Xamsa Saciid Xamsa ayaa tilmaamay in wadashaqeyn dhaxmarta dhammaan hey’adaha Dowladda ay wax weyn ka tarayso wax ka qabashada xaaladaha uu dadka masuulka ka yahay iyo kuwa dabiiciga ahba.

“Musiibooyinka ayaa ka mid ah waxyaabaha sii xoojiya faqriga iyo caqabadaha ku hor-gudban horumar taabba gala oo ay bulshooyinka ay sameeyaan, qiyaasaha oo dhan waxey tusinayaan in qasaaraha naf iyo hanti oo ay musiibooyinka geystaan ay aad u badanyihiin.” Ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka xamase siciid xamse.

Sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaariyeen qorshayaasha iyo siyaasado muhiim ah oo ay ka mid tahay siyaasadda qaran ee maareynta musiibooyinka oo muhiim ah maareynta iyo kahortagga halisyada dhaca, waxaana uu tilmaamay in Wasaaraddu sameysay kaabayaasha muhiimka ah ee loo adeegsado sii ogaashaha halisyada si looga jawaabo ka hor inta aanay musiibo isu badalin.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa carrabka ku xoojiyay in ka wasaarad ahaan xoojinayaan isu- duwista iyo qaban qaabinta dadaallada kala geddisan oo ay wadaan dhinacyo badan sida dowladda, hey’adaha UN-ta, ganacsatada iyo ururada aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya gargaarka.