Dowlada Somaliya oo dib u fureysa dulimaadyadii caalamaka ayadoo mudo ku dhaw lixbilood uu xayirnaa sababa laxiriira cudurka COVID-19

Dowlada Faderaaka Soomaliya ayaa hawadeeda xayaarad ku soo rogtay bishii maarso ayadoo markisi kaga gol lahyd sidii ay u xakamayn lahyad cudur corana virus kaasi oo saamaayn balaaran u gaystay Caalamka.

Mudo ku dhaw Lex Bilood, ayaa waxaa xirnaa dulimaadyada caalimiga ah ayadoo diyaaradihii ka imaan jiray Wadamada Caalamka , uu sameyey xanunka covid 19, hadana waxaa goroonka diyaaradaha kasoo dagi jiray diyaarada ka imaada Kenya, kuwaasi oo soo galin jiray qaadka ugu badan ee suuqayada Magaalada Muqdisho lagu kala iibsado, aydoo
dhaqaalaha Soomaaliya uu u xaroon jiray Dowlada Kenya.

Qaadka Kenya ayaa inta badan waxaa lagu qaadaa diyaaradaha si loo gaarsiiyo Gobalada Dalka iyo Caasimada, badakiisana waxay ku heshaa baalyiin lacago ah, aydoo lacagahaasi ay u adeegsato sidii ay ku heli lahayd bada Soomaliya ay muranka galisay.

Dowlada Kenya iyo Imaaraadka ayaa fargin toos ah iyo mid daban ku haysa Soomaliya, ayagoo adeesanaya maamul gobaleedyada, taasi oo ah mesha inta badan ay dawalaha shisheeya ay marinka ka dhigtaa marka ay rabaan in ay dawlada somaaliya ay faragalin ku sameeyaan.

Waxa manta dib loo furayaa duulimaadyada caalimiga ah, ayadoo horey loo furay kuwii gudaha ahaa, waxaa jira dad badan oo ku xayiran qaar kamid ah Wadamada Caalamka sidoo kale waxaa jira kuwo kale tiro badan oo ka dhoofi lahaa goroonka diyaaradaha Magalada Muqdisho ee Aadaan Cabdule Cismaan. Oo uu saameyey xanuunka covid 19.

Furitaanka Duulimaadyada caalamiga ah ayaa waxaa kamid ah diyaarado laga leeyahy Kenya, kuwaasi oo keeni jiray Qaadka Somaliya.

Tan iyo markii ay Dawalada Soomaaliya ay ku soo rogtay hawadeeda xayirrada, taasi oo lagu xakamaynayey xanuunka covid 19, ayaa waxaa Dowlada Kenya soo foodsaaray dhaqaalo la’ aan, waxayna ganacsatada Qaadka Kenya ay dalbadeen in Soomaliya uu kala hadlo uhuura Kenyatta, taasina waxay daaha ka rogtay in Soomaliya ay tahay goob dhaqaale oo istaatigayad u ah Kenya, maadama ay tahy Somaaliya wadanka kaliya ee lacago baban ay ka sameyso,ayadoo badalkeeda siisa qaad.