Golaha Baarlaamana Somaliya Akhrinta Kowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka burcad Badeeda iyo maraakibta shisheeye sida sharci daraadaha kaga ka luumaysata xeebaha Somaliya

Xildhibaanadda golaha shacabka oo kulan ay ku yeeshay xarunta ku meelgaarka ah ee Villa Hargeysa ayaa akhrinta koobaad waxay marsiiyeen Hindise Sharicyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaalanka Burcad badeeda iyo ka hortaga af duubka sharci LR.36 ee soo baxay sodonkii bishii April sanadkii 1975-kii,waxaana muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay golaha u faah faahiyay sii hayaha wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji.
“Sharicgaan waxa uu muuhiim u yahay dalka waana loo baahanyahay in dib-u-eegis lagu sameeyo si aan xal ugu helno baddeyna maadaama ay jiraan baraakiib si sharci daro usoo galo dalka iyo sidii aan xal ugu heli laheyn arrimaha burcad baddeeda.
Xeebaha Soomaliya ayaa waxaa ka hawl gali jiray dhalin yaro labaxday Burcad Badeed, kuwaasi oo Maraakib ka afduuban jiray Bada Somaliya, ayagoo lacago badan ka qadaan jiray, ay kumacaabeen madax furasho oo duldhigaan Maraakibta iyo dadka saraan, ka sakaw in ay wax afduubtaan waxaa kale oo dhibaato ay kala kulmi jireen marka ay hawlka ay ku jiraan oo ay qorshaynayaa in afduub ay sameeyaan.

Burcad badeeda ayaa waxay dhibaato kala kulmeen ciddamada ugu awooda badan Caalamka sida Maraynkan, Faranciiska iyo kuwa kale, kadib culaysyo kaga yimid awoodaha is biirsaday ee caalamka ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid Burcad Badeedii ka hawlagli jirtay Xeebaha Somaliya.

Dhanka kale waxaa soo baxay Burcad Badeeda ka dib Maraakiib laga leeyahy wadamada kala duwan oo si sharci daro ah kaga kaluumaystaan xeebaha bada Somaliya, ayaadoo khayradka Soomaliya ay iska gurtaan wadamo ay kamid tahay Israa’iil.

in kasta oo ay hoos udhaceen sanadihii dambe afduubka maraakiibta isaga kala goosha badweynta hindiya iyo xeebaha xiriirka la leh ayaa hadana waxaa jirta dhibaatooyin soo socday tan iyo burburkii kadib, waxaana kamid ah maraakiibta shisheeye ee sunta wasaqda, sida haraaga hubka iyo haamanka qashinka ku daadiya xeebaha Soomaaliya ayadoo ay sii dheertahay kaluumeysato heer caalami ah oo si sifo sharci darra ah kaga daldasha kaluunka iyo kheyraadka baddeena ayaa iyana ubaahan in sharciga lagu darro sidii wax looga qaban lahaa

Dawlada Soomaliya oo mudo 30sano ku jirtay dagaal sokeeye ayaa waxaa hada modaa in ay ku soo baararugtay ayadoo Barlaamaanka Soomaliya ay sharica burcad badeeda iyo maraakibta sida sharci darada ah kaga jilaabta khayraadka bada ay ku hawl jiraan sidii dib u eegis loogu samayn lahaa .

Marakibta dawladaha shisheeya ayaa sidoo kale badeena Somaliya ku soo daadiya khashinka, ayadoo wadata halis teeda caafimaad daro ee Bulshada isticmaasha kaluunka iyo khayraadka badeena Somaliya.

dhibaatooyinka maraakiibta shisheeya kuhayaa baddena lama soo koobi karo waxaa jirta in dhalinyarada kaluumasata xiliyada qaar ay tacddi kalakulmaan shisheeyaha baddeena ka dhex shaqeysta iyaga oo mararka qaar xabadeeya doomaha sidoo kalana ay ka burburiyaan agabkooda kaluumeysiga.