Dawlada Somaliya oo hawdeeda ka celisay diyaarad laga leeyahay Dalka Kenya, hadaba maxay tahy sababta diyaarada loo celiyey?
Dawlada faderaalka Somaliya ayaa hawada ka celisay diyaarad laga leeyeahy dalka Kenya oo ku socotay goroonka diyaaradaha ee Magalada Muqdisho ee Aadan Cade, si ilo wareedyo lagu kal soonayahy ay u sheegeen idaacada Sareeye.
Diyaaradaan ayaa waxaa lahaa shirkadda duulimaadyada Jetways Airlines oo ka diiwaaan gashan dalka Kenya, rakaabka diyaarada saarnaa ayaa ahaa 80 qof oo Somaali ah, kuwaasi oo diyaarada ay u soo kiraysay Safarada Somaaliya ee k u taala Kenya.
Xogta ay heshay idaacada Sareeye ayaa sheegaysa in diyaarada sababta loo celiyey ay tahy qaad lagu soo qariyey oo la ogaaday markii ay diyaarada ka soo duushay gudaha Dalka Kenya.
Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa la sheegay inay Dowladda Soomaaliya kusoo war-geliyeen in diyaaradda uu saaran yahay qaad aysan ogeyn oo lagu soo qariyey.
Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa markaasi kadib diiday in diyaaradda ay soo gasho Soomaaliya, kuna amartay inay dib ugu laabato Kenya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday qaadka, kadib markii Soomaaliya laga helay kiiskii ugu horreeyey ee cudurka COVID-19 bartamihii bishii March, mana jirin qaad dalka si rasmi ah u yimid wixii markaas ka dambeeyey, marka laga reebo qaar hab dhuumaaleysi ah lagu soo galiyo.
Dawlada Somaaliya ayaa horey u mamnuucaday laba diyaarad oo laga leyahay dalka Kenya kadib markii ay ku soo xad gubeen madax baanida jamuuriyada faderalka Somaliya.
Qaadka laga keeno Kenya ayaa waxaa si wayn looga iib eegayaa gudaha dalka Somaliya ayaadoo dhaqaalo badan ay ka heli jirtay Dawlada Kenya ayaa tan iyo markii ay Dowlada Somaliya ay xiyaarada ku soo rogtay duulamaayaddii ka imaan jiray Kenya iyo caalamka, waxaa hoos u dhac ku yimid dhaqaali ay ka heli jirtay Somaliya
Sidoo kale Dowlada Kenya ayaa murun galisay biyaha Somaliya,ayadoo dawacda ay taalo maxkamada cadaalada ee aduunka (ICJ) oo ay baajisay dhagaysiga dacdawada sadexjer, waxaana loo balan san yahay horaanta sanada soo socda ee 2021da, ayadoo sidoo kale faragalin ku haysa Dowlada Somaliya.
Keynya ayaa had iyo jeer waxay ka shaqaynaysaa sidii ay u hagardaamayn lahayd Somaliya ayaadoo duqaymo ka gaysata qaar kamid ah gobalada dalka, waxayna beegsataa dadka maskiinta ah ee waxba aan galabsan, sidoo kale hada waxay dacmacsan tahy in ay doorashada soosocota ay faragalin ku sumayso, aydoo doonayso madax ay ku shaqaysato oo danaheeda ay ka fushato, oo ay ugu horeyso sidii ay biyaha Somaliya ay u xalaalaysan lahyd.
Ugu damabayn madaxda hada talada hays ayaa ka biyo diidan in Dawlada Kenya ay daneeheeda gaar ah ay samayso Somaliya. Sidii caadada u ahyd. Ka hor inta aanan ladooran xukumada ahaatan talada haysa