Trump ayaa ka dhawaajiyay xiritaanka qunsuliyado badan oo Shiinaha ah xilli Shiinaha uu ka walaacsan yahay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay inay had iyo jeer macquul tahay inuu amro in la xiro qunsuliyado badan oo Shiinees ah oo kuyaala Mareykanka, kadib markii Mareykanka siiyay Beijing 72 saacadood si uu qunsuliyadiisa ugu xiro magalada Houston.

Trump, oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad Arbacadii shalay, wuxuu xusay in dab lagu arkay qunsuliyadda Shinaha kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka amartay in la xiro.

Waxaan u malaynayaa inay gubeen dukumiintiyo iyo waraaqo ayuu yiri.

Shiinaha ayaa dhalleeceeyey xiritaanka qunsuliyadooda asagoo dhahaya waa wax soo kordhay oo aan horay loo arag” kaa soo  wax u dhimaya xiriirka labada dal.

Wakaalada wararka  Shiinaha ugu afkadheer  China daily ayaa ku tilmaamay tabaladaan inay  muu jinayso in Madaxwaynha dalka Maraykanka Donald Trump uu rabo inu ku  galo olalihiisa siyaadadeed ka hor doorashada ka dhacaysa dalka Maraynkanka  asagoo ku tilmaaya Dowlada China inay  tahy wakiilka musiibada.

Warbixin horraantii Arbacadii, ayuu Morgan Ortagus, oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, wuxuu sheegay in Washington ay fartay xiritaanka qunsuliyadda Houston “si loo ilaaliyo hantida  iyo macluumaadka gaarka ah ee Mareykanka.

Dhanka kale Magaalada Beijing, Wang Wenbin, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, ayaa ugu yeeray “xiritaanka aan loo meel dayin” ee qunsuliyadda Houston “mid aan horay loo arag” oo ah ficillada Mareykanka ee dhowaan ka dhanka ah Shiinaha.

Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu “si adag u cambaareynayo” “tallaabada waxashnimada ah iyo kuwa aan sharciga ahayn, ee wax u dhimaya xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.