maxaa kasoo kordhey dabaqii xalay kusoo dumay dadka shacabka ah?

Xalay abaare 9 ka oo ay wehliyaan daqiiqado ee fiidnimo ayaa guri kuyaala degmada Xamar weyne agagaarka kawaanka hilibka ee Xamar weyne iyo masjidka Marwaas, Guriga soo dumay ayaa ahaa Guryaha qadiimiga ah ee dhismayaashii hore.

Goobjoogayaal ayaa ino xaqiijiyay in guriga soo dumay uu ka koobnaa saddex dabaq, waxaana deganaa Qoysas. dadkii ku dhaawacmay guriga ayaa la geeyay isbitaalada magalada waxaana ugu daran maamo ka jabtay lug iyo gacan waxaa eeyna taalaa isbitaal daarushifaa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xalay gaaray halka uu ku soo dumay guriga.

Sidoo kale waxaa halkaas tegey Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada & Howlaha Guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi oo uu la socday gudoomiyaha maamulka degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Kooxda Gurmadka deg deg ah ee Gobolka Banaadir iyo dadweyne badan ayaa usoo gurmaday dadkii ku jiray Guriga soo dumay, daadal dheer kadib xalay dadkii ku go’doonsanaa guriga dumay ayaa lasoo bad baadiyay, hal qof ayaa ku dhintay guriga hal dhaawaca uu garayo labo oo eey u darantahay maamo waayeel ah oo lug iyo gacan ka jabtay sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka degmada Xamar Weyne.

dhibaatadan ayaa ku so laalaabatay casimada oo eey ku yaalaan guryo qadiimi ah , waqtigan oo roobka xagaayada uu dalka gabi ahaantiisba uu ka da´aayo ayaa sabibi kara in guryaha u nugul dumista ay so dumaan halkaas na ay waxyeelo nafeed iyo mid hantiyadeed ay ka dhalato.

dadka ku nool guryaha ayaa marar badan aad uga cabtay in marka ay isku dayaan inay ugu yaraan dayac tiraan guriga lakulmaan culeysyo dhanka dowlada hoose iyo maamulka Degmooyinka, kuwaasi oo kuxujeeya lacago badan oo ka baxsan inta sharciga ah. Shaqaalaha Gurmadka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan illaa 17 ruux oo ku soo dumay gurigan qadiimi ah iyadoo dadkaasi ay lix ka mid ah uu soo gaaray dhaawac. Arintani waa caqabad iyo dabri hortaagan in dadka santayar ay dacaytirtaan ama dhsitaan guryahooda, taasoo mararka qaar saraakiisha kushaqada leh ay shacabka u dansheegtaan ugu jawaaba hadaadan lacag heysan howsha jooji markaad lacag hesho Allah ku gaarsiiyo.