warkii ugu dambayey ee magalada dhuusamareeb ee xarunta galmug ayaadoo shalay ilaa xalay halkaasi ay ka socdeen shirar gooni gooni ah

Waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socda magalada dhuusa mareeb ee xarunta galmudug shirka madax dawlada faderaalka somaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada, kulamadaan ayaa hor u dhac u ah shirka wajigiisa labaad ee ka furmi doona isla dhuusamreeb.

Sida wararka ay nagu soo gaarayaa ayaa waxay eey sheegayaan , kulamada qaar ayaa ah kuwo xal looga qaarayo khilaafka u dhexeeya labada mamul ee jubalaan iyo putalaan, kuwaasi oo mudooyinkii dambe xiirrkoda uusan isku wanaagsanayn dawlada dhexe.

Tan iyo markii la doortay madaxwaynaha putlaand sici cabdulaahi dani 8 janaayo sanadii 2019ka ayaa mulmakaasi waxuu wajahay qilaaf hareey madaxda ugu sareysa, ayadoo ugu dambayn ay taasi sababtay in dawada dhexe iyo maamulkaasi uu ka dhasho khilaaf dhanka siyaada la isku fahmi waayo.

Kulankaani ayaa imanaya kii labaad ay is arkaan dani iyo madax wayne farmaajo tan iyo caleema saarkii dani oo madax kala duwanay ka qayb gashay 26 jaanyo sanadii 2019ka.

sidoo kle waxaa horey u kulamay madax waynaha kumeel gaar ah axmed maxamed islaam (axmed madoobe )iyo madax waynaha jamuuriyada faderalka somaliya mudane maxamed cabdilaahi farmaajo ayadoo kulankaasi uu hordhac u ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka hareyey mamulka jubalaand iyo dawlada faderaalka somaliya.

Waxaa wali socda shirar gooni gooni ah oo madaxda ay wadayelanayaan kaasi oo loga tashanayo sidii dalka ay uga dhici lahayd dorasho la isku waafaqsan yahy kuna dhacada waqtigeeda balse nooca doorasho ayaa ilaa hada cadayn aydoo warar kala duwan ay soo baxayaan.

ugu dambayn manta oo talaada ah ayaa lagu wadaa in uu wa jiga labaad ee shirka madaxda iyo maamul gobaleedyada uu ka furmo magalada dhuusa mareeb ee xarunta galmug.