Imaraadka oo ka walaacsan shirka dhuusomareeb iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod

Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay dadka soomaaliyeed xiligaan muhiim u tahay in shirka dhuusomareeb uu kasoo baxo doorasho dadban, si aysan Soomaaliya qilaaf siyaasadeed u galin, Imaaraatka ayaa dhegta uraaricinaya ishana ku haya dhaqdhaqaaqa shirka dhuusamareeb.

´´Waxaan wallaac ka qabnaa in dadka Soomaaliyeed xiligan ay doorasho toos ah oo qof iyo cod ah ku qancaan una dareeraan´´  ayaa lagu daabacay wargeysyada ugu afka dheer ee Imaaraatka Carabta.

Waxaa wararka intaasi ku darayaan in nuuca doorasho ee Soomaaliya xiligan tahay midaa ku haboon doorasho dadban, si loo helo isbadal siyaasadeed iyo is madax ka shaqeysa danaha Imaaraadka Carabta.

Maamul goboleydyada ayaa aad u daneynaya in doorashada noqoto mid ay iyaga maamulaan oo ah mida dadban, waana arinta keentay kala fogaanshaha dhinacyada siyaasada iyo dowlada federalka.

 Waxaan ugu baaqeynaa iney ka fogaadaan wax kasta oo xiligaan keeni kara qilaaf siyaasadeed waxayna u muuqataa in xiligaan Soomaliya ka suuragali karin doorasho qof iyo cod ah ayey imaradka warkoda ku yirahden.

Imaraatka ayaa sheegay inuu kuhayo cadaadis midkii ugu adkaa dowladda iyo kooxaha mucaaradka sheegta iyo kuwa maamul goboleed yada kuna qasbayo in doorasho dadban la aado.

Magaalada dhuuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa indhaha ku wada beesha caalamka iyo daneeyayaasha Soomaliya iyo hay adaha qaramada midoobay kuwaas oo ka dhuur sugaya sida uu noqon doono shirkaasi  iyo waxa madaxada dalkena Soomaliyeed uga soo bixi kara shirkaasi ayna ku heshiiyaan nooca doorasho ee ka dhici karta dalka dhamadka 2020 iyo bilowga 2021  oo eey ku kala  ra’ayi duwan  yihiin madaxda halkaasi iskugu tagtay..

Imaaraadka ayaa lacago farabadan ku bixiya siyaasiyiinta mucaradka si ay u fuliyaan danaha eey ka leeyihiin ciida Sooomaaliya ayaga oo  waqtigan iskudayayo iney qal qal galiyaan shirka dhuusamareeb eeyna  daaha gadashiisa eey tagan yihiin imaradka cabta oo ah cadowga Somaaliya oo diidan dowlad iyo dal Soomaaliyeed oo aduunka awood iyo magac ku leh inuu so laabto sidii barisamaadkii.