Xildhibaannada ka soo jeeda mandheera oo shir jaraa,id ku yeeshay magaalada Nairobi.

Maamulka  mandheera iyo xildhibaannada laga soo doorto gobalkaasi ayaa  wasiir cabdirashiid xasan nuur (Janan) ka dalbaday in uu ciidamadiisa kala baxo sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada mandheera.

Xildhibaannada oo shir jaraa’id ku yeeshay magaalada  Nairobi ayaa waxa ay oga hadleen cabsida ka jirta magaalada mandheera halkaas oo uu wasiir janan iyo ciidamadiisa ay fariisimo ka samaysteen .

Dhanka kala xildhibaannada  waxa ay sheegeen in xaaladda deegaanka ya hatay mid halis ah waxa ayna dowladda  kenya ku eedeyeen  in ay gacan siinayso  ciidamada ka soo gostay gobalka gado.

 Arrintaan ayaa qayb ka ah xiisadda sii kordhaysa ee gobalka Gado iyo gacanta ay  dowlada kenya  ku leedahay.

Sidoo kala xildhibaannada  waxa ay dowlada kenya ka dalbadeen in ay hubka ka dhigtociidamada loona aqoonsado qaxooti.