Ciidamo ka amarqaata cabdirishiid Janan oo mandheera faariisin ka samaystay.

Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Mandheera, Cumar Maxamed Macallin, oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee  BBC-da ayaa  sheegay in ay dadka deegaankiisa ay cabsi soo foodsaartay, kaddib markii qeyb ka mid ah magaalada ay fariisimo ka dhigteen ciidammada wasiirka amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan).

Xildhibaan Cumar ayaa waxa uu dowladda Kenya ku eedeeyay inay fariisin siisay ciidammada Cabdirashiid Janan, arrintaas oo uu sheegay in ay halis gelinayso amniga deegaanka isaga laga soo doortay ee Bariga Mandheera.

Xildhibaan Cumar ayaa waxa uu dowladda Kenya ku eedeeyay in ciidammadeeda ay garabsiinayaan ciidammada Cabdirashiid Janan: “Dadkan ma ahan dad meesha xoog ku deggan, laasim waaye dowladda Kenya way ka warhaysaa garabna waysiinaysaa sida aan aniga aaminsanahay.” ayuu yiri.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxeysa ciidammada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan).