Taliska maraykanka oo sheegay in ay duqayn ku burburriyeen xeryo ay Al shabab ku sugnaayeen.
Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen dhismo ay Al shabab ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, iyagoo xusay iney ku dhaawaceen laba ka mid ah daalamayaasha Al shabab.
Jeneraal. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howl gallada ee Talisksa Milatariga Mareykanka ee Africa ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabaab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro qasaaro gaysta oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa”.
Ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al shabab ka geysta deegaannada ay haraadiga ku yihiin , ku waasoo lagu qaarijiyay horjoogayaal ku caanbaxay dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee abriyada ah.